Sunteți pe pagina 1din 11

MACLUUMAAD IYO WACYIGELIN KU SAABSAN FAYRASKA

KORONA (COVID-19)

Ururka Dhakhaatiirta Soomaalida Finland - SSLY


Tusmo

Hordhac…………………………………………………………………….................1

1. Waa maxay macnaha fayras?....................................................................................1


2. Muxuu yahay fayraska korona (COVID-19)?...........................................................1
3. Halkuu ka yimid fayraska korona?............................................................................2
4. Sidee la iskugu gudbiyaa fayraska korona?...............................................................2
5. Muddo intee leeg ayey astaamaha fayraska korona ku bilaabmaan?........................2
6. Qofku miyuu gudbin karaa fayraska isaga oo astaamaha cudurka lahayn?..............2
7. Waa maxay calaamadaha lagu garto fayraska korona?.............................................2
8. Fayraska korona khatartiisu intee ayey leegtahay?...................................................3
9. Dadkee ayuu ku dhacaa fayraska korona?.................................................................3
10. Dadkee ayuu xaalaad caafimaad oo khatar ah ku keeni karaa fayraska korona?....3
11. Qaabkee looga hortagi karaa laguna xakamayn karaa fayraska korona?................4
12. Muddo intee ah ayuu socon doonaa fayraska korona?............................................5
13. Daryeelka caafimaadka ee Finland miyuu ku filnaan doonaa qof walba oo u
baahda cudurka fayraska korona in lagu daweeyo isbitaalka?......................................5
14. Hadii aan fayraska korona in uu i hayo iskaga shakiyo maxaa la iiga baahanyahay
in aan sameeyo?.............................................................................................................5
15. Yaa laga qaadayaa shaybaadhka fayraska korona?.................................................6
16. Waa maxay macnaha qofka in la karantiimo/karantiilo?........................................7
17. Waa maxay macnaha in qofka la go’doomiyo?......................................................7
18. Hooyada uurka leh ma ka mid baa dadka u nugul fayraska korona (risk group)?..8
19. Hooyada uurka leh miyay u gudbin kartaa fayraska korona ilmaha uurkeeda ku
jira?................................................................................................................................8
Gunaanad……………………………………………………………………………...8

Tixraac………………………………………………………………………………...9
Hordhac:

Ururka Dhakaatiirta Soomaalida Finland wuxuu macluumaadkan iyo wacyigelintan


ku saabsan fayraska korona (COVID-19) gaar ahaan ugu talogalay bulshada
soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland. Sidoo kale waxaa ka faa’iidaysan kara
dhammaan bulshada soomaaliyeed ee ku nool dunida inteeda kale. Ujeedada
qoraalkaan waa:

1. In ay bulshadu hesho macluumaad dhamystiran/sugan oo ku saabsan fayraska


korona (COVID-19).

2. In lagu saxo aragtiyaha aan saxda ahayn ee ay bulshadu ka haysato fayraska


korona (COVID-19).

1. Waa maxay macnaha fayras?

- Guud ahaan fayrasku waa nooc ka mid ah jeermisyada keena caabuqyo/cuduro


kala duwan oo ku dhaca bini’aadamka. Fayrasku waxa uu mar walba uu
baahanyahay noole kale (xayawaan ama bini’aadam) si uu u noolaado una
tarmo.

2. Muxuu yahay fayraska korona (COVID-19)?

- Waxa uu ka mid yahay kooxo fayras ah oo qaab dhismeedkoodu (genetic) isku


mid yahay kuna dhici kara xayawaanka iyo bini’aadamkaba.
- Fayraska korona (COVID-19) wuxuu qaab dhismeedkiisu aad ugu dhowyahay
fayraska loo yaqaano SARS (Severe Acute Respiratory Syndrome). Hase
yeeshee wuxuu kaga duwanyahay calaamadaha uu ku keeni karo habdhiska
bini’aadamka.

1
3. Halkuu ka yimid fayraska korona?

- Asal ahaan waa fayras ku noolaa xayawaanka kahor intaanu u gudbin


bini’aadamka.
- Kiiskii ugu horeeyay bini’aadamka waxaa laga helay magaalada Wuhan ee
dalka China, December 2019.
- March 2020, Hay’adda Caafimaadka Aduunka (World Health Organization)
waxay ku dhawaaqday fayraska korona inuu noqtay masiibo caalami ah.

4. Sidee la iskugu gudbiyaa fayraska korona?

- Fayraska korona waxa uu ku faafa dhibicda ka soo baxda qofka qaba marka uu
hadlayo, qufaco ama hindhiso oo gaadha qofka kale afkiisa, sankiisa iyo
indhahiisa.
- Qofka oo gacmihiisa ku taabta goobta ay dhibicdu gaadhay, ayada oo
goobataas fayrasku ku sii noolaan karo mudo kooban, kadibna gacmaha ku sii
taabta afka, sanka ama indhaha.

5. Muddo intee leeg ayey astaamaha fayraska korona ku bilaabmaan?

- Marka uu qofku qaado fayraska korona calaamadihiisu waxay ku soo baxaan


inta u dhexaysa 1 ilaa 14 maalmood. Inta badana 4 ilaa 5 maalmood gudohood.

6. Qofku miyuu gudbin karaa fayraska isaga oo astaamaha cudurka lahayn?

- Cilmi baadhisyo ku saabsan fayraska waxay sheegeen in qofku sii gudbin karo
fayraska isaga oo wax calaamada aan lahayn.

7. Waa maxay calaamadaha lagu garto fayraska korona?

- Fayraska korona (COVID-19) waxa uu inta badan saameeyaa habdishka


neefsashada sida hunguriga cad, dhuumaha hawo mareenka iyo sambabada.
- Calaamado u gaar ah male, se waxa uu inta badan calaamadaha kala mid yahay
fayrasyada kale ee ku dhaca habdhiska neefsashada.

2
- Dadka xanuunka qaba waxa lagu arkaa calaamadahan:
 xumad/qandho sare
(> 38.5 °C)
 qufac qalalan
 neefta oo ku qabata
 murqo xanuun
 shuban
 daal badan

8. Fayraska korona khatartiisu intee ayey leegtahay?

- Fayraska korona (COVID-19) xaddiga faafitaankiisu waa mid aad u sareeya,


80% waa noocyo fudud, laakiin 20%:na waa noocyo adag oo xataa sababi kara
inuu qofku u baahdo in lagu daweeyo isbitaalka.
- Cilmi baadhisyada hadda la ogyahay waxay sheegayaan xaddiga dhimashatiisu
inay u dhaxayso 0.3% ilaa 4%.

9. Dadkee ayuu ku dhacaa fayraska korona?

- Waxa uu ku dhici karaa qof walba iyo da’ walba.

10. Dadkee ayuu xaalaad caafimaad oo khatar ah ku keeni karaa fayraska


korona?

- Dadka da’doodu ka sarayso 70 sano.


- Dadka la nool xanuunada raagga (chronic disease): sonkorta/macaanka, dhiig-
karka, beer xaanuunka, kelyo xanuunka xanuunada habdhiska neefsashada,
xanuunada wadnaha iyo xididdada dhiigga.
- Dadka isticmaala dawooyinka daciifiya difaaca jidhka sida dawooyinka
kansarka iwm.
- Dadka culays xad dhaaf leh (BMI, Body Mass Index > 40).

3
- Dadka sigaarka maalin walba caba.

11. Qaabkee looga hortagi karaa laguna xakamayn karaa fayraska korona?

- Fayraska korona (COVID-19) waa nooc aan hore caalamka looga arag sidaa
awgeed dawo ama talaal wali looma helin, si loo xakameeyo hadaba waa inuu
qofku qaado talaabooyinkan:

1. Saabuun ku maydh/dhaq gacmaahaga ilaa 20 ilbidhiqsi (second) mar walba oo


aad ka soo laabato banaanka, ama isticmaashid musqusha iyo mar walba oo aad
hindhisto, qufacdo ama duufka aad iska tirto.
2. Iska beddel tuwaalada/shukumaanada gacmaha ee guriga kuu yaala mar walba.
3. Ha ku taaban gacmahaaga indhaha, sanka, iyo afka marka aad dibada joogto ama
ka hor inta aanad iska maydhin/dhaqin.
4. Gacmaha ha ku salaamin dadka kale marka aad dibada joogto ama ka hor
intaanad maydhin/dhaqin.
5. Iska ilaali in aad ku hindhistid ama ku qufacdid sacabadaada.
6. Ka taxadir dhibicda hindhisada iyo qufaca la socota in ay gaadhaan dadka kuu
dhow ama goobta aad fadhido iyo agagaarkeeda.
7. Hadii aad isku aragto calaamadahan qufac, hindhiso, san dareer. Fadlan
gurigaaga joog illaa iyo intaad 24 saacadood calaamado la’aan tahay.
8. Dibada marka aad joogto fadlan ka fogow qofka kale 1 ilaa 2 mitir.
9. Iska ilaali goobaha ay dadku ku badanyihiin ama iskugu yimaadaan.
10. Ha booqan guryaha dadka kale.
11. Ha booqan xaruumaha caafimaadka hadii ayna baahi caafimaad jirin.

4
12. Muddo intee ah ayuu socon doonaa fayraska korona?

- Ilaa imika lama oga mudada uu socon doono laakiin waxaa lagu qiyaasayaa 4
ilaa 6 bilood.

13. Daryeelka caafimaadka ee Finland miyuu ku filnaan doonaa qof walba oo u


baahda cudurka fayraska korona in lagu daweeyo isbitaalka?

- Isbitaalada Finland waxay bilaabeen inay u diyaar garoobaan haddii ay


timaado xaalad ay dad badani u baahdaan gargaar degdeg ah.
- Haseyeeshee haduu cudurku dad badan hal mar soo rido, waxaa dhici karta
inaan la awoodin qof walba in la siiyo gargaarga degdega ah ee uu u
baahanyahay.
- Sidaa awgeed waxaa muhiim ah si aanu cudurku degdeg ugu faafin in ay
dadku yareeyaan isku imaanshaha iyo isku socodka.

14. Hadii aan fayraska korona in uu i hayo iskaga shakiyo maxaa la iiga
baahanyahay in aan sameeyo?

- Ogaysii hadii ay jiraan dad guriga kula degan kana fogow, talaabooyinka ka
hortagana qaado si aanad ugu faafin dadka kale.

5
- Gurigaaga joog, isticmaal taloobiyinka hargabka caadiga ah lagu daweeyo,
sida inaad nasato, cunto fiican oo nafaqo leh cunto, biyo badan cabto. Qaadato
fitamiino C, Zinc iyo D-vitamin iyo malab.
- Hadii aad u baahato xanuun baabi’iye isticmaal Ibuprofen (Burana) ama
Paracetamol (Panadol), hana qaadan in ka badan xadka loogu talo galay: dadka
waaweyn Burana 600g 1 ilaa 3 kiniin maalintii, Paracetamol 1g 1 ilaa 3 kiniin
maalintii. Sii caruurta xaddiga u dhigma misaankooda.
- Hadii aad isku aragto xumad/qandho daba-dheeraata iyo neefta oo kugu
adkaata wac rugta/xarunta talabixinta fayraska korona ee magaalada aad ku
nooshahay waqtika shaqada caadiga ah, waqtiyada kalena wac 116 117. Hadii
aad u baahato gargaar degdeg ah wac 112

15. Yaa laga qaadayaa shaybaadhka fayraska korona?

- Hay’adda Caafimaadka iyo Nololwanaagga Finland (Terveyden ja


hyvinvoinnin laitos) waxay ku talinaysaa in laga baadho fayraska korona
(COVID-19) dadka halista ku jira, una baahan in lagu daweeyo istibitaalka.
- Dadka xaruumaha caafimaadka ka shaqeeya ee calaamadaha fayraska laga
helo.

6
16. Waa maxay macnaha qofka in la karantiimo/karantiilo?

- Waxaa loola jeedaa qof caafimaad qaba oo la kulma qof fayraska korona
(COVID-19) uu ku dhacay. Karantiinka waxaa ku galini kara dhakhtarka
qaabilsan cudurada faafa ee degmaddaada.
- Karantiinka waxaa la geliyaa qof la kulmay qof kale oo lagu sheegay in
fayraskan korona uu ku dhacay. Haddii qofka uu fayraska ku dhacay aad
tusaale ahaan isla shaqeysaan waxaa karantiinka lagaaga bilaabayaa maalintii
ugu dambeysay oo aad isla kulanteen qofkaas, wuxuuna socon doonaa illaa
muddo 14 maalmood ah.
- Qofka karantiinka ku jira haddii uu isaga xanuunsado karantiinka wuu ka
baxayaa, waxaana markaas la galin go’doon.

17. Waa maxay macnaha in qofka la go’doomiyo?

- Waxaa la galiyaa qofka marka fayraska laga baaray kadib lagu sheegay in uu
ku dhacay. Waxa uu go’doonku qaadan karaa ugu yaraan muddo 7 maalmood
ah oo laga bilaabayo maalinkaad calaamadaha fayraska korona (COVID-19)
isku aragtay. Haddii 7 maalmood kadib wali calaamadaha hargabka ay jiraan,
wuxuu go’doonka soconaayaa illaa iyo intaad 24 saacadood calaamad la’aan
tahay.
- Qofka go’doonka la galiyay haddii uu ka mid yahay reerkaaga waxaa xaafadda
inta kale toos loo galinayaa karantiin. Karantiinkaas oo noqonaya mudo 21
maalmood ah. Maalmaha la tirinayo waxay ka bilaabanaysaa maalinta uu
qofka go’doonka ku jira astaamaha ugu horreeya ee fayraska korona (COVID-
19) uu isku arkay.

7
18. Hooyada uurka leh ma ka mid baa dadka u nugul fayraska korona (risk
group)?

- Kiisaska dumarka uurka leh ee uu ku dhacay fayraska korona (COVID-19) ma


badna. Ilaa imikana lama soo saarin baadhitaan sheegaya inay u nugushahay
nooca khatarta ah ama inuu dhibaato weyn ku keeni karo hooyada ama ilmaha
uurka ku jira.

19. Hooyada uurka leh miyay u gudbin kartaa fayraska korona ilmaha
uurkeeda ku jira?

- Maya uma gudbin karto.

Gunaanad:

Sida fayraska korona (COVID-19) loo xakameeyo waxaa muhiim ah inay dadku
qadaan kuna dhaqmaan talooyinka dadka cudurka xirfadda u leh ay sheegeen iyo
sharciyada ay dawlada Finland soo dajiso. Qof walba mas’uuliyadda saaran waa inuu
ku dadaalo sidii uu fayraska korona faafintiisa u xakamayn lahaa oo uu u qaadan
lahaa talaabooyinka ka hortagga cudurka.

Rugta/xarunta caafimaadka ee xaafaddaada waxaa ka shaqeeya hawl-wadeeno


caafimaad sida kalkaalisooyin iyo dhakhaatiir oo ay shaqadoodu tahay in ay dadka
fayraska korona ku dhacay iyo caafimaadkooda ay ka war doonaan. Haddii ay kula
soo xiriiraan waxaad adigoo mahadsan dhegeysataa warbixinta ay ku siinayaan.
Haddii aad su’aalo qabtana, iyaga si fiican u weydii. Haddii aad u baahan tahay
turjubaan luqaddaada hooyana, iyaga ka dalbo waayo xaq ayaad arrinkaas u
leedahay.

Dhibaatooyinka bulshada soomaaliyeed dhexdeeda lagala kulmo waxaa ka mid ah, in


talada la siiyo aysan si dhab ah u qaadan. Fadlan cudurka fayraska korona (COVID-
19) waa halis, ee ha dhayalsan. Mahadsanid!

8
Tixraac:
Hay’adda Caafimaadka iyo Nololwanaagga Finland (Terveyden ja hyvinvoinnin
laitos).
Hay’adda Caafimaadka Aduunka (World Health Organization).

S-ar putea să vă placă și